Arsenal: Arteta oo ka hadlay ‘horumarka’ qandaraaska Berta iyadoo ‘kooxda ay go’aamin doonto’ mustaqbalka xiddiga khadka dhexe.
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa la hadlay saxaafadda kahor safarka kooxdiisu ku tagayso Ipswich Town Axadda galabtii, isagoo ka hadlay guushii Champions League iyo qandaraas cusub oo la xiriira xiddig muhiim ah.** Arsenal ayaa si lama filaan ah guul 2-1 ah uga gaartay Real Madrid habeenkii Arbacada, iyadoo natiijada guud noqotay 5-1 taasoo ceeb ku noqotay kooxda heysata taariikhda ugu weyn ee tartanka. ### **Ka hadlayay dabaaldegyadii Madrid kadib, Arteta wuxuu yiri:** “Waqti kooban ayaanu dabaalagnay, haa. Habeen weyn ayey ahayd, qoysas badan ayaa nala joogay, wajiyo faraxsan oo badan ayaan arkay. Waxay ahayd xilli fiican, laakiin isla markiiba waa inaad is beddeshaa. Hadda waa Ipswich iyo Premier League.” **Arteta wuxuu intaa ku daray:** “Waxaan muujinnay in aan tartan kasta la jaanqaadi karno cid kasta. Tallaabada xigta waa joogtaynta heerkaas. Waxaan sidaas ku samaynay Champions League, hadda waxaan wajahnaa Ipswich, oo ah koox adag, waana inaan markale sidaas yeelnaa.” Arsenal ayaa kusoo laaban doonta Premier League usbuucan, iyadoo laga filaayo in ay si fudud uga adkaato kooxda halista ugu jirta heerka labaad, Ipswich Town. “Waxay ku ciyaarayaan garoonkooda. Waa mid ka mid ah fursadaha yar ee ay haystaan, laakiin annaga ahaan waa kulan weyn. “Waa inaan bilownaa inaan badinno kulammada Premier League si aan ugu yaraan u sii haysanno booska aan ku jirno, isla markaana u galno kulammada ugu dambeeya iyadoo rajo jirto.” **Arteta oo amaanay kooxda Ipswich, wuxuu yiri:** “Waxaan ognahay sida adag ee ay noqon doonto. Waa koox si fiican loo habeeyey. Waxaan filayaa in waxa Kieran sameeyay ay yihiin wax cajiib ah. Toddobaad kasta waxaad arkeysaa sida ay u ciyaarayaan iyo dhibaatooyinka ay u keenaan kooxaha kale. Waa kulan adag.” **Inkasta oo Bukayo Saka uu dhawaan ku soo laabtay safka, haddana dhaawacyo cusub ayaa soo food saaray Arsenal. Jorginho ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee dhaawac soo gaaro.** “Jorginho weli diyaar ma aha, wali wuu la daalaa dhacayaa dhaawacii. Riccy (Calafiori) sidoo kale wuxuu u badan yahay inuusan diyaar noqon doonin,” ayuu yiri Arteta. “Taasi waa su’aal u taalla dhakhaatiirta. Waa arrin gaar ah oo adag, waxaan u dhaafi doonaa kooxda.” ### **Arteta oo sidoo kale laga waraystay kulanka PSG iyo xaalada ciyaartoyda muhiimka ah wuxuu yiri:** Thomas Partey ayaa ganaax ku seegaya lugta koowaad, halka Jorginho uu shaki ku jiro. “Waxaan haynaa dhowr doorasho, laakiin waxba ma shaacin doono. Waxay ku xirnaan doontaa ciyaartoyda – haddii ay ku raaxeystaan inay sameeyaan waxyaabo gaar ah – iyo sida aan u isticmaali karno tayadeenna marka loo eego sida aan fileyno in ciyaarta ay u dhacdo.” **Ugu dambeyntiina, tababaraha Gunners wuxuu ka gaabsaday faahfaahinta wadahadalada qandaraaska, balse wuxuu si dadban u sheegay in ay horumar ka sameeyeen qandaraaska Partey.** “Haa, horumar ayaa laga sameeyay dhamaan ciyaartoyda. Waxaan u dhaafayaa Andrea iyo kooxda inay go’aamiyaan oo ay ka hadlaan. “Ujeedada waa mid cad. Waxaan u dhaafayaa Andrea iyo kooxda inay tallaabooyin qaadaan.”
4/18/20251 min read
My post content
Ciyaaraha
Wararka ugu dambeeyay ciyaaraha iyo falanqaynta.
Nagala soo xiriir
Xogta
wararka@ciyaaraha.com
+252-618269938
© 2025. All rights reserved.