**"Arsenal iyo Liverpool ma aysan awoodin inay halkaan ku guuleystaan!"** – Pep Guardiola oo amaanay guushii ay kooxdiisu ka gaartay Everton.

Kooxda Pep Guardiola ayaa labo gool oo dambe dhalisay si ay ugu adkaato Everton 2-0 Sabtidii, taasoo farxad weyn gelisay Guardiola oo xusay in Arsenal iyo Liverpool aysan awoodin inay guul ka gaaraan garoonka Goodison Park xilli ciyaareedkan. City waxay u muuqatay inay ciyaarta barbaro gool la’aan ah ku dhamaan doonto ilaa uu **Nico O’Reilly** goolka koowaad ka dhaliyay daqiiqaddii 84-aad, waxaana xigay gool uu **Mateo Kovacic** dhaliyay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta. Guardiola ayaa sheegay in guushan ay si weyn uga caawinayso kooxdiisa rajada u sugnaatay inay u soo baxdo Champions League, inkastoo ay wali ka dambeeyaan Arsenal iyo Liverpool – oo sanadihii u dambeeyay tartan adag kula jiray City hanashada horyaalka Premier League. Manchester City waxay si ciriiri ah uga adkaatay Arsenal hanashada horyaalka sannadihii 2023 iyo 2024, iyadoo Liverpool ay tahay kooxda kaliya ee xannibtay guulaha joogtada ah ee City xilli ciyaareedkii 2019-20. Guardiola oo la hadlayay saxaafadda ciyaarta kaddib ayaa xusay barbaraha 1-1 ee Everton la gashay Arsenal bishaan, iyo sidoo kale barbaraha 2-2 ee ay la galeen Liverpool bishii Febraayo – ciyaar Everton ay goolka barbaraha keentay daqiiqaddii 98-aad. Markii la waydiiyay sida ay guushu u weyn tahay, Guardiola wuxuu yiri: > **"Waxaan dhihi lahaa waa guul weyn. Waxaan u baahnayn inaan caqli badan muujino. Maanta waxaan garoonka joogay ka hor ciyaarta, daawanayay shaashadda iyo dhammaan goolashii hore ee Goodison Park laga dhaliyay, waxaan iri: ‘Wow! Tani waa kubadda cagta Ingiriiska!’ Saaxiibkay Ronald Koeman ayaa i burburiyay markaan halkan imid markii ugu horreysay – 4-0 ayey naga badiyeen, Lukaku wuu dheelay, si fiican ayaan u xusuustaa. Waxay ahayd bilowgii socdaal cajiib ah oo aan weli ku guda jirno muddo toban sano ka badan.”** Dhanka kale, khadka dhexe ee City, **Ilkay Gundogan**, ayaa la hadlay BBC Radio 5 Live wuxuuna yiri: > **"Waxaan u baahannayn inaan si adag u shaqeyno. Garoonkani waa meel adag, habka ay ciyaarta u wajahaan wuu adag yahay. Waan taxaddarnay bilowga, mana dooneynin inaan halis qaadno. Laakiin qeybta labaad waxaan soo bandhignay ciyaar cajiib ah, si dhab ahna waxaan u mudannayn saddexda dhibcood."** Manchester City waxay ciyaarteeda xigta ee Premier League la leedahay Aston Villa Talaadada, iyadoo ay marti galin doonaan garoonka Etihad.

4/19/20251 min read

My post content