Liverpool waxa ay wajahaysaa dhibaato kale oo heshiis ah inkasta oo horumar laga gaaray wada-hadallada Virgil van Dijk.
Qof walba wuu ogyahay xaaladda Liverpool ay ku sugan tahay laacibiinta Trent Alexander-Arnold, Mohamed Salah, iyo Virgil van Dijk – laakiin mushkilad la mid ah ayaa laga yaabaa inay dhowaan soo ifbaxdo. Waxaa la filayaa in Alexander-Arnold uu si xor ah ugu biiro Real Madrid xagaagan, halka Salah iyo Van Dijk ay noqon doonaan ciyaartoy xor ah haddii wax isbedel ah aysan dhicin. Liverpool waxaa lagu dhaleeceeyay inay ogolaatay in heshiisyada seddexda ciyaaryahan ee ugu muhiimsan ay ku dhowaadaan dhammaadkooda, laakiin Reds ma aysan awoodin ilaa hadda inay ka hortagaan dhib la mid ah oo kusoo wajahan laacibkooda afraad ee muhiimka ah xilli ciyaareedka dambe. Taasi waxay sabab u tahay in heshiiska Ibrahima Konaté uu dhacayo bisha Juun 2026, iyadoo kooxda aysan weli horumar ka samayn wada-hadallada ay kula jirto xiddiga reer Faransiis. Konaté ayaa xilli ciyaareedkan noqday ciyaaryahan joogto ah oo safka koowaad ka tirsan, isagoo noqday lammaanaha ugu weyn ee daafaca dhexe ee Virgil van Dijk tan iyo markii uu yimid Merseyside sanadkii 2021. Sidaas darteed, magaca iyo qiimaha Konaté ayaa sare u kacay, wuxuuna si macquul ah u doonayaa in meesha uu kaga jiro kooxda lagu muujiyo shuruudaha heshiis cusub oo uu ka helo Liverpool. Wargeyska The Times ayaa sheegaya in Konaté uu hadda mushahar ahaan ka qaato £102,000 toddobaadkii, taasoo ahayd heshiiskii uu saxiixay markii uu kasoo wareegay RB Leipzig afar sano kahor. Laakiin wakiillada ciyaaryahanka ayaa la sheegay inay dalbanayaan in lagu kordhiyo mushaharkiisa ilaa £255,000 toddobaadkii si uu mustaqbalkiisa ugu hibeeyo kooxda. Konaté ayaa horraantii xilli ciyaareedkan xaqiijiyay in loo soo bandhigay heshiis cusub, balse wuxuu diiday inuu caddeeyo haddii uu qorsheynayo inuu saxiixo. "Waa run, Liverpool waxay i siisay heshiis cusub," ayuu yiri shir jaraa'id bishii Janaayo. "Laakiin ma ku dhowahay inaan saxiixo? Waa arrin kale taas." Daafaca dhexe ee reer France ma qarsanayo inuu taageere u yahay Paris Saint-Germain (PSG), wuxuuna si dhaw u arkay tayada kooxdaas markii ay Liverpool ka reebtay Champions League bishii hore. Warbixin kasoo baxday ESPN bishii Janaayo ayaa sheegtay in Konaté uu xiiseynayo inuu u wareego PSG – kooxda uu carruurnimadiisii taageeri jiray. PSG waxay raadineysaa lammaane joogto ah oo uu yeesho Marquinhos, waxaana Konaté lagu tilmaamay laacib buuxin kara doorkaasi. Liverpool waxay wada-hadallada heshiis kordhinta Konaté billowday kahor bisha October sanadkii hore, taasoo walaac gelinaysa taageerayaasha Reds maadaama wadahadalladu ay muddo dheer socdeen iyada oo aan wax is-faham ah la gaarin. Dhinaca kale, Virgil van Dijk ayaa shaaca ka qaaday kadib guuldarradii Liverpool ka soo gaartay Fulham Axaddii, in wadahadalladiisa heshiis kordhinta ay horumar sameeyeen.


My post content