RASMI: Mbappé ayaa la siiyay hal ciyaar oo ganaax ah.

Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa siiyay weeraryahanka Real Madrid ee Kylian Mbappé hal kulan oo ganaax ah, kadib kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Axaddii ay la ciyaareen Alaves ee ka dhacay magaalada Vitoria. Sidaas darteed, Mbappé wuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato Finalka Copa del Rey ee ay la ciyaarayaan Barcelona, kaasoo lagu wado inuu dhaco Sabtida, Abriil 26-keeda. Weeraryahanka reer Faransiiska wuxuu seegi doonaa kulanka Axadda ee ay Real Madrid gurigeeda kula ciyaarayso Athletic Bilbao, ciyaar la filayo inay adkaan doonto maadaama Athletic ay si adag uga ciyaarayso xilli ciyaareedkan. Real Madrid waxay afar dhibcood ka hooseysaa Barcelona tartanka horyaalka La Liga ee 2024-25, markaa waa inay helaan joogteyn haddii ay dhab ahaan u doonayaan inay u tartamaan koobka maxalliga ah. Iyadoo Mbappé banaan yahay, Endrick ayaa la filayaa inuu ka ciyaaro weerarka dhexe ee Real Madrid, inkastoo tababare Carlo Ancelotti uu sidoo kale u wareejin karo Jude Bellingham booska weeraryahanka been-beenka ah (false nine), si uu u xoojiyo khadka dhexe marka ay la ciyaarayaan koox tayo leh sida Athletic.

4/15/20251 min read

My post content