Real Madrid waxay oggolaatay saxiixa Bukayo Saka oo ku kacaya €120 milyan kaddib markii xiddiga Arsenal uu ka gudbay imtixaan muhiim ah.

4/21/20251 min read

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay in ay oggolaatay in ay lasoo saxiixato laacibka Arsenal ee Bukayo Saka, iyadoo qiimaha heshiiska lagu sheegay inuu gaarayo €120 milyan, kadib markii Saka uu gudbay “tijaabo” muhiim ah oo ay kooxda reer Spain ku qiimeysay.

Wargeysyada Spain iyo England ayaa sheegaya in Real Madrid ay muddo dheer si dhow ula socotay horumarka iyo bandhigyada Saka, kaasoo xilli ciyaareedkan si weyn u soo jiitay indhaha kubadda cagta Yurub, gaar ahaan kadib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee Champions League iyo Premier League.

Tijaabada ay ka gudbeen waa mid la xiriirta qaab ciyaareedka, caafimaadka, dabeecadda garoonka iyo dibaddiisa, iyo sidoo kale sida uu ula jaanqaadi karo nidaamka ciyaareed ee Carlo Ancelotti. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Saka uu dhammaan qodobbadaas kaga baxay darajo sare.

Real Madrid waxay haatan u aragtaa Bukayo Saka inuu yahay xiddig mustaqbal dheer u noqon kara kooxda, gaar ahaan haddii ay doonayaan beddel waqti fog ah oo ay u helaan Vinicius Jr ama Rodrygo, ama xitaa inay si buuxda u xoojiyaan garabka midig.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in Arsenal ay diyaar u tahay inay iibiso xiddigeeda muhiimka ah, balse haddii la helo dalab rasmi ah oo €120 milyan ah, waxa laga yaabaa in ay u fiirsato, gaar ahaan haddii ciyaaryahanku oggolaado inuu u wareego Santiago Bernabeu.