Tababaraha PSG Luis Enrique oo hadal toos ah ka yiri Liverpool ka hor inta aysan la ciyaarin Arsenal tartanka Champions League.

4/22/20252 min read

Kadib markii ay hore uga reebeen laba kooxood oo Ingiriis ah – Liverpool iyo Aston Villa – PSG ayaa haatan wajihi doona Arsenal wareega semi-finalka Champions League. Tababaraha kooxda, Luis Enrique, ayaa muujiyay kalsooni buuxda.

PSG waxay muujiyeen kalsooni xad-dhaaf ah ka hor kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka ee Anfield, inkastoo hal gool laga hormaray. Si kastaba ha ahaatee, kalsoonidaasi waxay noqotay mid la xaqiijiyay, iyadoo kooxda reer Paris ay kusoo baxday rigoorayaal kadib 120 daqiiqo ciyaar ah.

"Waxaan isku diyaarinin sidaan ugu diyaar garownay Liverpool," ayuu yiri Enrique markii la weydiiyay khatarta Arsenal kaga imaan karta goolasha la dhigo (set-pieces).
"Liverpool waa koox leh awood la mid ah – haddii aysan ka badanayn – Arsenal.

"Aston Villa sidoo kale waxay lahayd awood weyn arrintan, sida inta badan kooxaha Ligue 1. Maaha inaan si gaar ah ugu tababarano qaybtaas ciyaarta, laakiin waa caddahay inaan ku tartanno dhamaan meelaha kala duwan ee ciyaarta."

Dhinaca goolasha la dhigo, way adag tahay in la dhaho Liverpool waxay la mid tahay Arsenal, in kastoo Liverpool ay si weyn uga horeyso horyaalka Premier League. Tababare Arne Slot ayaa tilmaamay in ay jiraan baahi wax looga beddelo goolasha la dhigo, waxaana Virgil van Dijk uu sidoo kale doonayaa horumar.

"Goolasha la dhigo waa meel aan rabo inaan ka shaqeeyo horumarkeeda," ayuu Van Dijk u sheegay warbaahinta usbuucii la soo dhaafay.
"Ciyaartii aan la ciyaarnay Leicester, waxaan mar walba dhexda kaga jiray laba ciyaaryahan – wax sahlan ma ahayn inaan wax sameeyo! Laakiin waan isku daynay. Waxaan u baahanahay inaan helno xal, waana ognahay inaan horumarin karno. Waa inaan sidaas yeelnaa."

Arne Slot ayaa isna yiri:
"Haddii aad eegto sida goolasha la dhigo muhiim u yihiin kubadda cagta maanta, gaar ahaan horyaalka Ingiriiska, waxay kuu sheegayaan sida ay muhiim u tahay inaan sare u kacno. Barcelona waxay Dortmund ku xaaqday 4-0, laakiin goolka koowaad wuxuu ahaa mid la dhigay. Goolasha noocaas ah waxay kaa caawinayaan inaad hesho kalsooni iyo dardar ciyaareed."

"Markii aan la ciyaarnay Paris Saint-Germain – taasina waa mid xiiso leh kahor semi-finalka ay la ciyaarayaan Arsenal – waxaan u maleynay in aysan si fiican uga difaacmin goolasha la dhigo. Waxaan u qorshaynay inaan gool ka dhalino qaybtaas, waxaana aad ugu dhownaanay kubad madax ahayd oo Jarell Quansah uu birta kaga dhacay. Laakiin ma aan dhalin wax gool ah, laga yaabee in taasina keentay in nalaga reebo."

Liverpool.com ayaa leh: Waxay noqon lahayd guul weyn oo Arsenal u ah inay jabiyaan abaartooda Champions League, laakiin PSG waxay noqon doonaan tijaabo weyn. Real Madrid ayaa la moodayay inay tahay tijaabadaas, balse Gunners si fudud ayay uga adkaadeen. PSG, dhanka kale, waxay u badan tahay inay caqabado waaweyn keeni doonaan.