"Waan ku gefay – Guardiola oo raalligelin ka bixiyay weeraryahanka Man City."
4/22/20251 min read


Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa raalligelin siiyay Jeremy Doku isagoo qirtay in uu si aan cadaalad ahayn ula dhaqmay.
Guardiola ayaa Doku kursiga keydka dhigay kulamadii ugu dambeeyay ee ay ciyaareen.
Xiddiga caalamiga ah ee Belgium ayaa qasab ku noqotay inuu beddel kusoo galo seddexdii kulan ee ugu dambeysay.
Doku ayaa kusoo galay ciyaarta ay la yeesheen Everton toddobaadkii hore iyadoo ciyaartu ahayd 0-0, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay guushii 2-0 ee ay gaareen.
Tan iyo fasaxii ciyaaraha caalamiga ah ee bishii Maarso, Guardiola wuxuu doortay qaab ciyaareed xoogga saaraya difaaca iyo khadka dhexe oo lagu ilaashado kubadda.
Isbeddelkan wuxuu saameeyay waqtiga ciyaarta ee ay helaan Doku iyo Savinho labadaba.
“Waxaan si aad u daran ugu gefay ciyaartoygan kulamadii ugu dambeeyay, maxaa yeelay waxaan xasuustaa kulamadii aan la ciyaarnay Spurs iyo Brighton, tusaale ahaan,” ayuu yiri Guardiola isagoo si gaar ah uga hadlayay Doku.
“Isagoon jirin ma suurtagaleen waxyaabihii aan gaarney, laakiin sababta kaliya ee aysan u ciyaarin kulamadii dambe waa sababtoo ah ma aysan ahayn kulamo aan si toos ah u weerarno – waxaannu adeegsanaynin garab weerarayaal, halkii aan ka adeegsan lahayn daafacyo u ballaara bannaanka, iyo ciyaartoy badan oo dhexe ah sida kulankii Bournemouth.
“Laakiin waa sababteyda oo kaliya. Waan ka xumahay isaga iyo ciyaartoyda kale ee aan fursad helin.”
Ciyaaraha
Wararka ugu dambeeyay ciyaaraha iyo falanqaynta.
Nagala soo xiriir
Xogta
wararka@ciyaaraha.com
+252-618269938
© 2025. All rights reserved.