Warbixin: Manchester United daafaceeda Leny Yoro oo laga mamnuucay wadista baabuurka

PREMIER LEAGUE

2/23/20261 min read

Daafaca kooxda Manchester United, Leny Yoro, ayaa lagu ganaaxay in uu lix bilood ka mamnuucnaado wadista baabuurta kadib markii lagu qabtay isagoo ku socda xawaare aad uga sarreeya kan loo oggol yahay gudaha xaafad deggan.

Xiddiga reer France ee 20 jirka ah ayaa la ogaaday in gaarigiisa nooca Porsche Cayenne oo qiimihiisu yahay £170,000 uu ku socday xawaare gaaraya 72mph, halka waddada ku taalla xaafadda Withington ee magaalada Manchester ay leedahay xad xawaare oo ah 30mph. Warqadaha maxkamadda ayaa muujiyay in Yoro uu ku socday ku dhowaad laba jeer iyo bar xadka la oggol yahay.

Qareennada u doodaya Yoro ayaa maxkamadda u gudbiyay raalli-gelin rasmi ah, iyagoo sheegay in waddadu ay madhnayd waqtigaas isla markaana ciyaaryahanku uu ku degdegayay si uu saaxiib ugu geeyo saldhigga tareenka. Qareenkiisa, Lisa Nevitt oo ka tirsan shirkadda Burton Copeland, ayaa sidoo kale tilmaantay in Yoro uu si buuxda ula shaqeeyay hay’adaha sharciga isla markaana uu aqbalay mas’uuliyadda falkaas.

Waxay sheegtay in ciyaaryahanku aanu diidi doonin ganaaxa ka mamnuucidda wadista, maadaama xawaaraha sare ee uu ku socday ay u badan tahay in maxkamaddu doorbido ganaax wadis-ka-qaadis ah halkii dhibco lagu dari lahaa laysinkiisa.

Dhacdadan ayaa dhacday wax yar ka dib 4:00 galabnimo 28-kii Agoosto, iyadoo ka dhacday Mauldeth Road West – waddo ay ku yaalliin guryo iyo sidoo kale dugsi sare, taasoo ka dhigaysa aag u baahan taxaddar dheeraad ah.

Booliska Greater Manchester ayaa Yoro ku soo oogay eedeymo la xiriira xawaare-dhaaf iyo sidoo kale in uu markii hore ku guuldareystay in uu aqoonsado qofkii waday gaariga.

Leny Yoro ayaa ku biiray Manchester United xagaagii 2024, waxaana uu xilli ciyaareedkan u saftay kooxda 23 kulan, isagoo ka mid noqday da’yarta muhiimka ah ee mustaqbalka difaaca kooxda.